Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo dheeraad ah geysay degaan ka tirsan Galmudug

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo dheeraad ah geysay degaan ka tirsan Galmudug

0

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka janeraal Maxamed Caddow Cali {Sanka} ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga ay kaga sugan yihiin degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sheegay in ujeedka kormeerkooda uu ahaa sidii ay ugi kuurveli lahaayeen xaalada Ciidamada ay ku sugan yihiin iyo xaaladaha kajira Xeryaha Ciidamada.

Taliyaha ayaa sidoo kale Ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan howlgallada degaannada Galmudug looga saarayo Ururka  Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu baaqay Ciidamada qeybta 21aad ee ku sugan Xerada degmada Cadaado inay sugaan Amniga degaannada Galmudug, dowladda Soomaaliyana u diyaarisay Qalabkii ay ku howlgelli lahaayeen

Degaano iyo degmooyinka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro lagu qaado Saldhogyada Ciidamada.

Ad
Previous articletitle 3
Next articleBeesha Caalamka oo Ku Guuleysatay isku Keenida Shirkii DFS iyo Dowlad Gobaleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here