Home Wararka Somaliya Khasaare ka dhashay Shil gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Khasaare ka dhashay Shil gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil khasaro  gaystay oo goordhaweyd ka dhacay  Degmada Boondheere ee Gobolkani Banaadir, waxaana uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaanno Nasiib-buundo.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ah nooca Soomalidu u taqaanno Caasiga iyo Mooto Bajaaj, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay Seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkii dhaawaca ahaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka si xaalddoda caafimaad loogula tacaalo.

Waddada laamiga ah ee shilku ka dhacay ayaa ah waddo dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxaana bannaanbax sameeyay dadka degaanka ee daggan xaafadaha ku teedsan waddada shilku ka dhacay.

Shacabka degmooyinka Shibis iyo Boondheere ayaa sameeyay bannaanbax ay ku dalbanayaan in waddada loo sameeyo caalamadda inta badan gaadiidku ay ku hakadaan ee loo yaqaanno Askari jiifa, taasoo ilaa hadda aan laamiga loo sameeynin.

Sidoo kale gaadiidleyda isticmaala waddada dhawaan la dayactiray ayay dadka degaanku ku eedeeyen in ay gaadiidka ku wadaan xawaare sare, iyadoo aysan waddadu lahayn Calaamadda hakiya gaadiidka ee loo yaqaano askari jiifa, waxaana taasi ay keentay in shilalku bataan.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo Ku Guuleysatay isku Keenida Shirkii DFS iyo Dowlad Gobaleedyada
Next articleHey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib Loo Bilaabay Qaadashada Basaboorka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here