Home Wararka Maanta beerlayda Khaadka Kenya oo Hambalyo U diray Xasan Shiikh Maxamuud kuna Farxay...

beerlayda Khaadka Kenya oo Hambalyo U diray Xasan Shiikh Maxamuud kuna Farxay in Farmaajo laga adkaado

0

Beeraleyda Jaadka dalka Kenya ayaa si weyn ula socday doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee shalay ilaa xalay ka socotay teendhada Afisiyooni ee Muqdisho, waxa ayna beeraleyda ku duceesanayeen in Farmaajo looga adkaado doorashada.

Ururka Ganacsatada Khaatka ee Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NYAMITA ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebooka waxa ay hambalyo ugu direen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Beeraleyda jaadka dalka Kenya ayaana si weyn ugu farxay in laga guuleesto Madaxweyne Farmaajo ay ku tilmaameen cadawga jaadka Kenya, waxa ayna si weyn usoo dhaweeyeen isbadalka ka dhacay madaxtinimada Soomaaliya.

“Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah. Kheyr baan kuu rajeyneynaa mudane Madaxweyne Xasan Sheekh .” ayey ku yiraahdeen qoraalka kasoo baxay beeraleyda Jaadka Kenya.

Beeraleyda Jaadka dalka Kenya ayaa horey Madaxweyne Farmaajo ugu tilmaamay cadowgooda nolosha, waxa ayna sheegeen in hada rejo cusub ka qabaan in dib u furmo suuqa ganacsiga jaadka Kenya ee Soomaaliya haddi Farmaajo meesha ka baxay.

Dowladda uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ayaa sannado kahor mamnuucday jaadka laga keeno dalka Kenya, waxa ayna dowladda fasaxday in suuqyada Soomaaliya lagu iibiyo jaadka hareeriga ee laga keeno dalka Itoobiya.

Ad
Previous articleFaysal Cali Waraabe “Aniga oo waligey Daawan Doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u Dambeysay”
Next articleQaramada Midoobay oo Ka Hadashay Guusha Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Farmaajana Amaantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here