Home Wararka Somaliya Beelaha Hawiye oo bilaabay qaban-qaabada shirweyne ka dhan ah muddo kororsiga

Beelaha Hawiye oo bilaabay qaban-qaabada shirweyne ka dhan ah muddo kororsiga

0

Qabanqaabada shirweyne todobaadka soo socda furmi doona ayaa ka socota Muqdisho, kaasoo ah shir Beelaha Hawiye isugu imaanayaan oo ay ka qeyb galayaan waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada qaar.

ilo wareedyo ayaa Allbanaadir Online u sheegay in Shirkan laga soo saari doono go’aano ka dhan ah muddo kororsiga labada sano ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa iyana shirkaas ka sheegi doona waxay kala soo laabtaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kordhinta.

Shirkii xalay dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la isku afgartay in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga digaan qatarta muddo kordhinta iyo qalalaasaha ka dhalan kara.

Qoor-qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa ka caga jiidaya iney si toos ah u cadeeyaan mowqifkooda la xiriira muddo kororsiga.

Ad
Previous articleXogta Mudug24 ka heshay Madaxweyne Qoor Qoor oo aan ku Qanacsaneen Qorshaha Farmaajo iyo Sababta
Next articlePuntland oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid Madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here