Home Wararka Somaliya Puntland oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid Madaxweyne Farmaajo

Puntland oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid Madaxweyne Farmaajo

0

Puntland ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeedhay madaxweyne Farmaajo, ee ku saabsanaa in madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe, caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada.

War uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sidaan u qornaa:

“Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay!

Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dowladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhacay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay.

Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal diyaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna  markiiba waadii amray in la  baahiyo in Shirka Fashilmay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fashilin!

Soomaalidu waxay illaashan jirtay Afartii sano in halmar ay Doorasho ka dhacdo dalka, si wanaagsana xilka la isugu wareejiyo. Balse waxaa muuqata in aad noqotay qofkii ugu horeeyay burburkii kadib Kursiga isku dhejiya, isku daya muddo kororsi aan sharci aheyn , xoog iyo jujuub, dhammaan ficiladaasina dadka Soomaaliyeed waa soo arkeen natiijadooda”.

Ad
Previous articleBeelaha Hawiye oo bilaabay qaban-qaabada shirweyne ka dhan ah muddo kororsiga
Next articleCiidamo uu wato Saadaq Joon oo mar kale Dagay Shiirkole iyo Xiisad ka taagan Magaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here