Home Wararka Maanta Bannaanbaxii Mucaaradka oo Wajahaya Caqabado Amni iyo Xannibaado

Bannaanbaxii Mucaaradka oo Wajahaya Caqabado Amni iyo Xannibaado

0

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ee saaka si weyn loogu daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa celiyay xubno kamid ah mucaaradka oo doonayay inay gaaraan goobta bannaanbaxa maanta loo qorsheeyay inuu ka dhaco garoonka ciyaaraha Koonis.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta la hor istaagay ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Cabdiraxmaan Caynte, kuwaas oo kusii jeeday guriga Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre si ay halkaas uga sii amba baxaan bannaanbaxa mucaaradka.

Labadan mas’uul ayaa lagu waramayaa in dib loogu celiyay guryahooda kadib markii ay waddada ku hor istaageen gaadiidka ciidamada ammaanka, loona diiday inay usii gudbaan goobtii ay u socdeen.

Sidoo kale, Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in iyagana loo diiday inay gaaraan goobta dibadbaxa, isagoo ku eedeeyay dowladda inay ka baxday ballanqaadyo hore oo ku saabsanaa fududeynta isu soo baxa.

“Ergadii ay soo direen been ayay noqotay, dadku waa dhaqaaqi lahaayeen, waddooyinka ayay u taagan yihiin, xitaa Koonis ayaa naloo diiday inaan tagno,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’diid.

Dibadbaxan oo la qorsheeyay inuu bilowdo 11:00 subaxnimo ayaa weli waxaa hareeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabashooyin kasoo baxaya xubnaha mucaaradka.

Mucaaradka ayaa xalay isku abaabulay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir si ay shacabka ugu hoggaamiyaan isu soo baxa, balse wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya inay beddeleen qorshahoodii hore, isla markaana ay go’aansadeen inay si toos ah isugu tagaan garoonka ciyaaraha Koonis ee degmada Cabdicasiis.

Ad