Home Wararka Maanta Bankiga Horumarinta Islaamka oo Ballanqaad culus u sameeyay Dowladda Soomaaliya(Sawiro)

Bankiga Horumarinta Islaamka oo Ballanqaad culus u sameeyay Dowladda Soomaaliya(Sawiro)

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo gurmadka abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka bankiga horumarinta Islaamka Dr. Zamiir Iqbal.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sida uu bankiga Islaamka gurmad degdeg ah oo maaliyadeed iyo kaalin qareemid uga gaysan lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka taagan dalkeenna Soomaaliya.

Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday in bankigu uu dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono gurmadka abaaraha iyo guud ahaan dadaallada looga hor tagayo in abaartu isku baddesho macluul laga soo waaqsan waayo.

Bankiga horumarinta Islaamka ayaa dhawaan u gurmaday bulshada nugul ee abaaraha iyo colaadahu saameeyeen ee dalka Afgaanistaan, si loo daboolo baahiyaha bani’aadannimo ee degdega ah.

Ad
Previous articleWaa kuma William Ruto – Maxayse yahay mowqifkiisii hore ee ku aadan Somalia
Next articleRabshado ka Bilowday qeybo kamid ah dalka Kenya kadib natiijadii doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here