Home Wararka Maanta Bankiga aduunka oo Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Deeqay $100 Miliyan oo...

Bankiga aduunka oo Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Deeqay $100 Miliyan oo Doolar

0

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson oo la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacisay in Bangiga Adduunka uu dowladda ku taageerayo 100 Milyan oo dollar.

Kulanka Xasan iyo Kristina ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Bangiga Adduunka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan.

Marwo Kristina ayaa sheegtay in lacagtaan uu Bangiga Adduunka ku taageerayo 12-ka billod ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Sidoo kale waxay ku ammaantay Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadida adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ugu dambeyntiina waxa uu Bangiga Adduunka ugu baaqay in uu kala shaqeeyo dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Ffederaalka.

Ad
Previous articleLataliyaha Amniga Qaranka oo Baaq Cajiib ah u Diray Kooxda Alshabaab
Next articleHooyo Dhashay 5 Caruur ah oo Muqdisho loogu Dilay Si arxan Dara ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here