Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu soconayo Banaabax xoogan islamarkaana Looga soo Horjeedo dil ka dhacay Jowhar oo Qof shacab ah Loo gaystay.
Banaanbaxa ayaa ka dhashay Dilka ka dhacay xaafada Buulo-makiino oo ka tirsan degmada Jowhar xili la sheegay in ciidamada Haramcad ay howlgalo ka wadeen xaafadaasi.
Ninka shacabka ah oo aay dileen ciidanka Haramcad ayaa la sheegay iney guriga ugu galeen dabadeedna ay amar siiyeen uu ka madax adeegay taasoo keentay iney rasaas ladhacaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ninka ay dileen ciidanka Haramcad uu ahaa nin madaxa looga jiray, waxaana dilkiisa kadib dadku aay bilaabeen banaanbaxyo rabashado wata oo aay kaga soo horjeedaan dilka loo geystay ninka shacabka ahaa.
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg