Home Wararka Somaliya Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo

Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo

0

Boqolaal kamid ah Shacabka ku dhaqan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa waxaa maanta ay banaanbax ka dhigeen Xaafadaha qaar, iyaga oo uga soo horjeeday dil iyo Afduub loogu geystay Magaalada Gaalkacyo Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere).

Banaanbaxayaasha oo watay Boorar ay ku qoran yihiin in uu Cadaalad helo Marxuumka ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Sheekh Cali Axmed Faarax uu ahaa mid abaabulan oo la soo qorsheeyay.

Mid kamid ah Culimada Gobolka Mudug oo banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in dareeskii Ciidamada lagu dilay Sheekha, waxaana Madaxda dowladda uu ugu baaqay inay jawaab deg deg ah ka bixiso dilka loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere)..

Dadka bananaanbaxa dhigayay oo aad uga careesnaa dilka Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere). ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa Samafale iyo Macalin Barbariye ah, isla markaana ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay.

Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) ayaa ahaa maamulaha Guud ee jamciyadda Imaam Nawawi ee gobolka Mudug, waxaana maalmo ka hor loo geystay Afduub iyo dil, iyada oo Wasaaradda Amniga Galmudug u saartay Guddi baara sida uu u dhacay dilka iyo dadka ka dambeeyay.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo cafis u fidisay Maxaabiis u xirnaa
Next articleMunaasabada ciida oo Maanta si weyn looga dabaal degay Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here