Home Wararka Maanta Ciidamada Danab oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna qabsaday...

Ciidamada Danab oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna qabsaday (Sawirro)

0

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa xalay howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ku dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale hub kala duwan ku qabsaday.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan ka dhacay tuulo lagu magacaabo Yaaqdabayl oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay 13-xubnood oo katirsan Al Shabaab .

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Danab gacanta ku dhigeen hub badan ay wateen xubnaha la dilay, kuwaa oo isugu jiray qoryaha fud fudud ee AK-47, qoarayka BKM iyo sidoo kale qorayga baasuukaha loo yaqaan.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidanka kumaandooska dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab kana furteen hub, waxa uuna xusay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka badelka dastuurka xilli Garoowe uu dagaal ka socdo
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Garowe iyo Taliyihii Madaxtooyada Puntland oo ku Dhintay Dagaalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here