Home Wararka Maanta Baarlamaanka Puntland oo Ka Hadlay Khilaaf Karaash iyo Deni

Baarlamaanka Puntland oo Ka Hadlay Khilaaf Karaash iyo Deni

0

Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka ka dhex dilaacay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kaasoo bilowday markii uu Deni ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug leedahay Villa Somalia.

Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay inay Deni iyo Karaash labadaba qadka taleefoonka ku wada hadleen, kana aqbaleen in baarlamaanka bilaabo dadaallo lagu xalinayo khilaafka iyadoo loo marayo hab waafaqsan sharciga iyo mid siyaasadeedba.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu xagal daaciyey dadaaladii socday ee uu waday Baarlamaanka.

Wuxuu ku eedeeyey inuu qaaday tallaabooyin uu xilka kaga qaaday saddex kamid ah wasiiradda Puntland iyadoo uu wada-hadalku socdo, taasoo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

Ad
Previous articleShuruudaha laga rabo murashaxiinta madaxweynaha oo la shaaciyay(Akriso)
Next articleGoobta iyo Waqti Diiwaan Galinta Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here