Wararka la helayo waxey tilmaamayaan in fadhigga manata go’aan kama dnabeys ah looga soo saari doono ka hadalka Miisaaniyadda, iyadoo gudoonka baarlamaanka uu go’aan ka soo saari doono miisaaniyadda dowladda.
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Bayle oo labadii maalin ee ina dhaaftay wajahayay su’aalaha xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare, ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa qeyb ka eheyd xisaab celinta miisaaniyadii afarta sano ee kala ah; 2018, 2019, 2020, 2021 iyo halka ay ku maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo Dollar.
Si kastaba, Wasiir Bayle ayaa maalmihii dambe wajahayay tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirada dowladda, isaga oo iska diiday kulan wax looga weydiinayo arrimahaas oo ugu yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Isniintii odobaadkan.