Home Wararka Maanta Hogaamiyihii kooxda Wagner oo farriiin Cusub soo diray

Hogaamiyihii kooxda Wagner oo farriiin Cusub soo diray

0

Hogaanka kooxda Milatariga ah ee Ruushka ee lagu magacaabo Wagner- Yevgeny Prigozhin ayaa hadda uun soo dhigay internet-ka cod 11 daqiiqo ah, kaasoo uu ku sheegayo inaysan wax heshiis ah la gelin wasaaradda difaaca Ruushka iyo in ciidamadiisa loo qorsheeyay in lasoo af jaro kowda bisha Luulyo.

Wuxuu farriinta ku yiri: ” Ujeedka hawlgalku wuxuu ahaa in aan Wagner la burburin iyo in masuuliyiinta lala xisaabtamo, kuwaas oo xirfad xumadooda awgeed galay qaladaad badan”.

waxa uu sheegay in Wagner ay ka xunyihiin “duqeyntii ay la beegsadeen ciidamada cirka Ruushka” waxayna u laabteen “si ay uga dhowrsadaan in uu daado dhiiga ciidamada Ruushka”.

Madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in farriintiisu u dambeysay ee uu soo dhigay barta Telegram in uu uga jawaabayey su’aalaha ugu muhiimsan ee dadku iska weydiinayeen talaabadiisii amar diidada ee uu Moscow ku aaday iyo dhacdooyinkii ay horseeday, iyo sida uu sheegay in oo saxo waxii “qalad loo fahmay”.

Laakiin waxuu ku guuldarreystay inuu ka jawaabo laba su’aalood oo muhiim ah – oo ku saabsan mustaqbalka Wagner iyo Prigozhin laftiisa, iyo wixii tanaasulaad ah haddii ay jiraan ee uu ka helay Kremlin-ka iyada oo qayb ka ah heshiiska lagu dejinayo xiisadda.

Madaxa Wagner wuxuu xusay doorka dhexdhexaadinta heshiiska hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko, kaasoo “soo bandhigay si loo helo habab ay Wagner u sii wadan karaan shaqadooda si sharci ah”.

Laakiin Prigozhin ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa tani dhab ahaantii macnaheedu noqon karto. Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah shaqaalaha Wagner loo wareejinayo Belarus – Wargayska Ruushka ee Verstka ayaa sheegay in dhisme lagu bilaabay xeryo loogu talagalay kooxdan.

Waxaa sidoo kale jiray warar aan la hubin oo sheegaya in Wagner loo isticmaali karo weerar ka dhan ah Ukraine oo ka imanaya dhanka Belarus.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Meel Fagaare ah Ku Toogtay Cabdi Maxamed (Abuukey ) iyo Afar nin oo kale
Next articleAyagoo nool ayay is xabaaleen si ay lacag uga helaan daawashada dadka baraha bulshada kala socda, maxayse kala kulmeen gudaha qabriga?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here