Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaan Dhawaan...

War Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaan Dhawaan laga Saaray

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa noo sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma.

Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda, ayna la wareegtay deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo ay dhowaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi
Ad
Previous articleSidee booliska Uganda u fashiliyeen qaraxii lala doonayey Kampala?
Next articleAxmed Madoobe oo Mudo kadib Qaabilay Dad Mucaarad ku ahaa(Sawiroo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here