Home Wararka Somaliya Shirka Dhuusomareeb oo u muuqda mid fashil ku dhow xili wali Waan...

Shirka Dhuusomareeb oo u muuqda mid fashil ku dhow xili wali Waan waan ay socoto

0

Wararkii u danbeeyey ee ka soo baxaya shirka Wadatashiga Doorashada JFS ee Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in madaxdu kala dareereen iyaga oo aan gaadhin heshiis soona saarin war-murtiyeed maanta la filayey, kaddib markii laysku fahmi waayey xal u helista gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbaahinta isugu yeeray halka Madaxweyne Farmaajo qorsheeyay in uu dib ugu soo laabto Muqdisho.

Warar dheeraad ah oo ka imanaya Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay waddo dedaallo lagu baajinayo Shir jaraa’id oo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe qaban lahaa kaasi oo ku sheegayo in shirkii fashilmay, dhanka kalena waxaa la hadal hayaa in uu baaqdo safar maanta madaxweyne Farmaajo ku aadi lahaa Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida ah ku boorinaysa in ay dib isugu laabtaan dooradhada heshiish wadar oggol ka gaadhaan.

Ad
Previous articleDhageyso :- Axmed Fiqi ” Waxaa Qabanay Hubkii lagu Dhagri jiray Shacabka Galmudug iyo kuwa sitay”
Next articleAxmed Madoobe oo laga hor istaagay la hadlida Warbaahinta uu iskugu yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here