Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Ku Gulaystay Qorshe u dagsaday oo Ka dhan ah...

Axmed Madoobe oo Ku Gulaystay Qorshe u dagsaday oo Ka dhan ah Dowlada Federalka

0

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hirgeliyay qorshe uu todobaadkii hore dajiyay oo ku aadan u yeerista xildhibaannada labada gole ee Jubbalabd ku metala baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaannada iyo senatorada aqbalay dalabkiisa ee tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku xog wareysteen.

Kulanka ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaanno kala duwan oo saameyn leh, kana soo jeedo deegaanada Jubbaland, kuwaas oo buuxiyay garabka madaxweynahooda oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faahfaahiyay kulanka xildhibaannada iyo Axmed Madoobe, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay inuu hordhac u yahay wadatashiyo ka bilaabanayo magaalo xeebeedka Kismaayo.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland ee Magaalada Kismaayo u yimid shirka-watashiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa la raaciyay “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku casuumay Xildhibaanada Jubaland ku matala heer Federaal latashi guud oo ay yeelanayaan Dowladda Jubaland, Xildhibaanada labada Aqal ku mata Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo lagaga arinsanayo xaalada siyaasada dalka.”

Khilaafka u dhexeeya  dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa bannaanka usoo baxay kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee uu isaga baxay Axmed Madoobe, kaas oo laga soo saaray go’aanno la xiriira doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku hoos duugan tahay muddo korordhin hal sano ah, waxaana taasi ay keentay in Axmed Madoobe uu ku laabtay Kismaayo, isaga oo diiday dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si dib loogu soo celiyo shirka.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qabsato doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda, ayada oo ku dooday in maamullada ay u madax bannaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah.

Si kastaba, waxaa fashilmay dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda federaalka, si xal loogu helo khilaafka labada dhinac, waxaase diiday hoggaamiyaha maamulka Jubbaland

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleErdogan oo Casuumaaduu u Horaysay u Fidiyay Donal trump
Next articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dadka ay kasoo Celinayso Dalka Jarmalka