Axmed Madoobe oo Gudoomiyihii hore ee Garoowe u Magacaabay Gudoomiyaha kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa Cumar Cabdullahi Maxamed u magacaabay Gudoomiyaha Degmada Kismaayo iyo duqa Magaalada.

Cumar Faraweyn ayaa horay usoo noqday Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii Kismaayo timo jilic oo muddo dheer xilkaasi hayay.