Home Wararka Somaliya Axmed Macalin Fiqi oo taageero u muujiyay Banaan-baxa lagu qabanayo Muqdisho

Axmed Macalin Fiqi oo taageero u muujiyay Banaan-baxa lagu qabanayo Muqdisho

0

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa taageero u muujiyey banaanbaxa Midowga Musharaxiinta u muddeeyeen maalinta Jimcaha in ay ku qabanayaan fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho.

Fiqi oo Talaadada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in musharaxiinta xaq u leeyihiin ay abaabulaan isu-soo-bax.

“Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?!.!,” ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: “Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?!”.

“Intaas waxaa sii dheer in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabadgalyo ah muwaadiniintu ay qabsan karaan!,” ayuu tibaaxay.

Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay: “Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan”.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: “Dabacsanaantaada maantay waa Keydkaada berito”.

Isu-soo-baxa ayaa lagu dalbanayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xafiiska baneeyo dalkana u dareeriyo doorashooyin la isla ogol-yahay.

Arrintaan ayaa dad badani saadaalinaya, in ay Galmudug ka dhex abuurto khilaaf hor leh, kaasoo soo kala dhexgala madaxweyne Qoorqoor iyo wasiirkiisa Amniga Axmed Fiqi.

Ad
Previous articleWar-Murtiyeed laga soo saaray shirka Baydhaco uga socday Guddiga farsamada
Next articleSawiro:- Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusamareeb kula kulmay Wafdi Dowlada ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here