Home Wararka Somaliya Puntland Axmed Karaash oo Markale Deni Kusoo Dhaweeyey Puntland Xili khilaaf Xoogan Ka...

Axmed Karaash oo Markale Deni Kusoo Dhaweeyey Puntland Xili khilaaf Xoogan Ka dhaxeeyo(Sawiro)

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta  dib ugusoo laabtay garoowe.

Deni waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay booqasho ugu maqnaa dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya, isagoo kulamo la soo yeeshay madaxda dalalkaas qaarkood.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii looga guueystay doorashadii Madaxweynaha Somalia ku jiray safaro kala duwan oo aan ujeedkooda la shaacinin.

Deni ayaa waxaa ku furan cadaadis xoogan oo ka yimid gudaha Puntland kaasoo ka dhashay dhaqaalaha faraha badan ee kaga baxay doorashada, dagaalkii ka dhacay garoonka dayuuradaha Boosaaso oo mar kale soo nooleeyey xiisadii ka taagneyd magaaladaas iyo arrimo kale.

Ad
Previous articleCiidamo Cusub oo Maantay Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho(Sawiro)
Next articleDeg Deg: Ganacsade Caan ka Aha Degaanada Galmudug oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho iyo QoorQoor oo Ka tacsiyeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here