Home Wararka Maanta Askarigii Soomaaliga ee ku eedaysanaa dilka haweeney Australian ah oo la sii...

Askarigii Soomaaliga ee ku eedaysanaa dilka haweeney Australian ah oo la sii daayey

0

Waxaa xabsiga laga sii daayey askari horey uga ka tirsanaa booliska magaalada  Minneapolis ee dalka Mareykanka oo  loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn

Maxamed Nuur oo ah Soomaali Maraykan ayaa xabsiga haatan laga sii daayey ku jiray saddex sano.

Markii ugu horraysay ee maxkamadda la soo taagay waxay lagu helay dil kama’ ah oo waxa muddo markii ay socotay dacwadiisu kama dambaystii sannadkii 2019 lagu xukumay laba iyo toban sano iyo bar xarig ah. Laakiin racfaan ay xukunkaa ka qaateen  qareennadiisu ayaa muddo ka dib ay  maxkamadda sare ee gobolka Minnesota u oggolaatay in laga dhigo xukunkiisa  shan sano iyo dhowr bilood.

 

Afhayeen u hadlay waaxda asluubta ee gobolka oo xaqiijiyey sii daynta maxbuuska ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayo ay dhaqdhaqaaqiisa la socdaan maamulka magaalada uu ku nool yahay.

Waxaanu intaa ku daray in Maxamed Nuur intii uu ku jiray xabsiga gobolka North Dakota aanu ku kicin falal ashax xumo ah.

Gobolka Minnesota ayaa sharciyadiisu waxay fasaxayaan in maxbuuska hab dhaqan fiican muujiya inta uu xabsiga ku jiro lagu hayo mudada xadhigiisa saddex meeloodow laba inta hadhayna dibadda  ku qaadanaya oo lala socon doono. Maxamed Nuur ayaa waxay boolisku hab dhaqankiisa la socon doonaan ilaa 24 January ee sannadka 2024.

Gabadhii ku baxday gacanta Maxamed Nuur hooyadeed oo warbaahinta la hadashay ayaa iyada oo ka falcelinaysa sii daynta maxbuuskaas waxay tiri.

“Aad baan uga xunnahay arintaas, aad baanu ula fajacsannahay in eeddii laga daayey waxase nagaga sii daran hab dhaqanka booliska Minneapolis.” ayey tiri

Waxa la rumaysnaa in Maxamed Nuur yahay askarigii ugu horreeyey ee booliska gobolka Minneapolis ka tirsan ee lagu helo dembi ah in isaga oo shaqada ku jira uu qof toogasho ku dilay. Hase yeeshee ka dib waxa dhacday in askarigii kale ee dilay ninkii Marakanka madow ahaa ee George Flyod in isagana xabsiga loo taxaabay.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay”.

 

 

Ad
Previous articleRooble oo si layaab leh uga jawaabay weeraro uga socda baraha bulshada
Next articleTurkiga ayaa aqbalay in Sweden iyo Finland ay ku biiraan Nato. Maxaa beddelay aragtii Ankara ee horay u diidday in labada waddan ay ka mid noqdaan isbahaysiga?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here