Home Wararka Maanta Askari Dilay wiil Xeebta liido u Damaashaad Tagay oo Gacanta lagu Soo...

Askari Dilay wiil Xeebta liido u Damaashaad Tagay oo Gacanta lagu Soo Dhigay

0

Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga booliiska degmada Cabdicasiis ayaa gacanta ku dhigay askari katirsan ciidanka dowladda oo dil ka geestay magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay askarigan ayaa dilay wiil dhallinyaro ah oo damaashaad u aaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ,kaddib muran dhax maray marxuumka iyo dilka geestay.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in ciidamada amniga gacanta ku hayaan askariga dilka geestay loona gudbin doono maxkamadda ciidamada.

Dilalka ciidanka dowladda magaalada Muqdisho ugu geesanayaan dadka shacabka ayaa sii kordhaya muddooyinkii lasoo dhaafay, waxa uuna dilkan noqonayaa kii labaad oo maanta kaliya ciidamada Muqdisho ugu geestaan qof shscab ah.

Ad
Previous articleHaweeney afduub ka geesatay Muqdisho oo Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen
Next articleGalmudug oo Shaacisay inay Alshabaab Dagaal Culus uga Dileen 150 Askari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here