Home Wararka Maanta Galmudug oo Shaacisay inay Alshabaab Dagaal Culus uga Dileen 150 Askari

Galmudug oo Shaacisay inay Alshabaab Dagaal Culus uga Dileen 150 Askari

0

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo hoos taga degmada Wisil, halkaas oo dhufeysyo waaweyn ay ka qoteen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa halkaas ku duqeeyey Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisimihii deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Wasaaradda amniga Galmudug oo Sheegtay in 150 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay dagaal ay maanta ciidamada xoogga, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ku qaadeen deegaanka Doonlaaye oo ay kooxda ka difaaci jirtay magaalooyinka Caad iyo Cammaara.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobalka Mudug waxay sheegatay inay ku dishay 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 18 kalena ay ku dhaawaceen.

Qoraalka Kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu hoos tago degmada Wisil, isla markaana dagaalkaas la isku farasaaray lix jeer, ciidanka ay dileen waxay sheegen inay ku jireen laba sarkaal, sida ay sheegteen.

 

Ad
Previous articleAskari Dilay wiil Xeebta liido u Damaashaad Tagay oo Gacanta lagu Soo Dhigay
Next articleSoomaaliland oo Dagaal Qaatay 5 Maalin Ku Dhawaaqday Xabad Joojin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here