Home Wararka Maanta Haweeney afduub ka geesatay Muqdisho oo Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen

Haweeney afduub ka geesatay Muqdisho oo Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen

0

Ciidanka booliska ee ka howlgala degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo booliiska sheegeen in ay madax u aheyd koox afduub ka geesatay magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in haweenaydaan la xiray ay horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan, ninkan ayaana laga afduubtay waaxda 5-aad ee degmada Wadajir.

Kooxda afduubka geesatay ee madaxda u aheyd haweeneydan la qabtay ayaa la sheegay in guri kuyaalla degmada Howlwadaag ku hayeen ninka xanuunsan ee afduub ahaanta u heesteen, mana sheegin booliiska sababta kooxdan afduubka u geesteen.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in baaritaan hadda ku socdo haweenneydan la qabtay ee madaxda u aheyd kooxda afduubka geesatay, waxa ayna booliiska sheegeen in haweeneydan sharciga la horgeyn doono.

Booliiska gobolka Banaadir oo kordhiyay howlgalada ay wadaan ayaa sidoo kale saakay xiray saddex nin oo ku qaraabanayay in hay’addo u shaqeeyaan, kuwaa oo lacago ka aruursanayay dad danyar ah ay u sheegayeen in ay siinayaan kaarar mucaawino ku helaan.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Daagaal Culus oo Alshabaab iyo Galmudug Dhexmaray iyo Alshabaab oo Degaano Hor leh laga saaray(Sawiro)
Next articleAskari Dilay wiil Xeebta liido u Damaashaad Tagay oo Gacanta lagu Soo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here