Arrin lama filaan ah: Muxuu yahya go’aanka hadal haynta dhaliyay ee uu qaatay wasiirka diinta ee Sacuudiga?

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudi Carabiya, Cabdulatif bin Cabdulcasiis Al Sheekh, ayaa hadal hayn ka abuuray baraha ay bulshada ku wada xiriirto, kadib markii uu amray in gabar loo magacaabo afhayeenka wasaaradda ee magaalada Makkah.

Wasiirka ayaa go’aankaas gaaray kadib markii uu ogaaday in Shahad Manshi ay aqoon ahaan xilkaas u qalanto isla markaana uga haboon tahay ninka jagadaas hayay oo bartay xisaabaadka.

Muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya wasiirka oo gabadhada da’da yar weydiinaya waxa ay baratay, kadibna amray inay la wareegto jagada uu hayay ninka iyada madaxda u ahaa.

Shahad oo sanadkii 2020 jaamacad ka qaadatay shahaadada koobaad, kuna takhasustay warbaahinta iyo samaynta muuqaalladda, ayaa wasiirka u soo bandhigtay waxqabadka waaxda ay ka tirsan tahay, waxaana uu la yaabay kartideeda.