Home Wararka Maanta Arday Mindi ku dilay Macalimadiisii, xili ay cashar bixineysay oo xabsiga...

Arday Mindi ku dilay Macalimadiisii, xili ay cashar bixineysay oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

0

Macalimad wax ka dhiga iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaala koonfur galbeed dalka Faransiiska ayaa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo uu fuliyay arday, sida ay booliisku sheegeen.

Macalimada oo 50 sano jir aheyd ayaa ku jirtay casharka iskuulka markii ardaygu uu mindi ku weeraray.

Waxay ka heshay daryeel caafimaad goobta, laakiin booliiska ayaa ku wargeliyay wakaaladda wararka ee AFP inay u dhimatay dhaawacii soo gaaray.

Ardaygan oo 16 sano jir ah ayay boolisku xabsiga u taxaabeen. waxaa socda baaritaan la xiriira sababta ka dambeysa in ardaygan uu dilo macalimadiisa.

Dilka ayaa ka dhacay magaalada Saint-Jean-de-Luz, taasi oo ku taal xeebta Atlantic, una dhow xuduudka Spain.

Wasiirka waxbarashada Faransiiska Pap Ndiaye ayaa ku sii jeeda iskuulka, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdadan, lana baarayo.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo War kasoo saaray Dagaalka Qaraar ee Wali Kasocda Laasaacaanood
Next articleAlshabaab Weerar ku Qaaaday Wasaarada Gaashaandhiga oo La Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here