Home Wararka Maanta Araday Soomaliyeed oo Deeq Wax barashao Ka Helay Serbiya oo lagu Soo...

Araday Soomaliyeed oo Deeq Wax barashao Ka Helay Serbiya oo lagu Soo Dhaweeyey Wadankaas(Sawiro)

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia oo soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalkaasi.

23 April 2022: Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia waxaa ay si buuxda u soo dhaweysay 16 arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Deeqdan waxbarasho ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal iyo dib u furidda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade 14 September sanadkii tegey ee 2021.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si xoog leh uga mahad celisay fursada qaaliga ah ee siiyay araday Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay mar walba u taagan tahay xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Ad
Previous articleMadadweyne farmaajo oo Si Kulul Uga hadkay Weerarki lagu Qaaday Liido
Next articleGudoomiyayaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyina oo Waxba kama Jiraan Ku Tilmaamay Kuraasti Ceelwaaq lagu Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here