Home Wararka Maanta Amaanka Magaalada Muqdisho oo Soo Hagaagaaya Kadib Howlgalo Culus oo Bilowday

Amaanka Magaalada Muqdisho oo Soo Hagaagaaya Kadib Howlgalo Culus oo Bilowday

0

Wasiiru-dowlaha Amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, oo warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal amni oo si hordhac ah uga billowday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Shabaab uu waqtigoodii dhamaaday, ayna Muqdisho ka bilaabanayaan qorshe xoogan oo amniga lagu sugayo, ayna ka qeyb qaadanayaan hay’addaha amniga, kaasi oo lagu xaqiijinayo xasiloonida caasimadda.

“Waxa shacabka Soomaaliyeed ka codsanaya magaalada Muqdisho oo ah magaalo madaxdii dalka, waxaa dhawaan ka bilaaban doona qorshe lagu sugayo amniga. Waxa ka codsaneyna in barnaamijkaas nagala shaqeeyaan si hagar la’aan ah. Shacabka Soomaaliyeed iyaga la’aantooda midnimo iyo nabad-gelyo ma gaari karno nala shaqeeya,” ayuu yiri Xagaa.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Soddan sanno iyo ka badan ayaa waxaad ku jirteen dagaal iyo maalinba waji cusub iyo dhagar cusub, waxa gaadhnay waqtigii aad odhan laheydeen intaas ayaa nagu filan wixii ka dambeeya waxa u baahanahay sida caalamka iyo waddamada deriska u nool yihiin in aan u noolaano.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayna dhiman tahay oo keliya in la dhameystiro oo dalka la isku furo, sida uu sheegay.

Wasiiru-dowlaha ayaa waxa kale oo u ballan-qaaday shacabka laamaha amniga kusoo wargelinaya shirqoolada Al-Shabaab iyo xogaha la xiriira ay u dhowri doonaan xogtooda shaqsiyeed, oo aysan jiho saddexaad u gacan galin doonin.

“Waxa ka mahad-celinayna shacabka xogta marwalba nala soo wadaaga, waxaa u ballan-qaadeyna in aan u xafideyno xogtooda. Farsamooyin badan oo casri ahna aan la wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed oo qofka xogta uu gudbin karo, naftiisana ay ku badbaadeyso.”

Shacabka magaalada Muqdisho ay dhawaan si wada-jir ah ugu istaagay kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhawaan magaalada ka bilaaban doona howl-galo culus oo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana looga sifeynayo caasimadda Shabaabka ku dhuumanaya.
Ad
Previous articleSaraakiil Sar Sare oo Ku Mid noqday Dadka Ku Dhintay Weerarka Lagu Qaaday Degmada Galcad
Next articleDowlada Soomaaliya oo war kasoo Saartay Dagaalkii lagu Hoobtay ee Ka Dhacay Degmada Galcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here