Home Wararka Somaliya Galmudug Dowlada Soomaaliya oo war kasoo Saartay Dagaalkii lagu Hoobtay ee Ka Dhacay...

Dowlada Soomaaliya oo war kasoo Saartay Dagaalkii lagu Hoobtay ee Ka Dhacay Degmada Galcad

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd war kasoo saartay weerarkii ku billowday qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarkii saaka lagu jebiyay kooxda, kaasi oo lagu tilmaamay inuu ahaa weerar “naf la-caari ah”.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

“Waxaa jira khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda Khawaarijta ee weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Degmada Galcad oo dhawaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa waxay waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleAmaanka Magaalada Muqdisho oo Soo Hagaagaaya Kadib Howlgalo Culus oo Bilowday
Next articleKoonfur Afrika oo dhoolatus ciidan la sameyneysa Shiinaha iyo Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here