Home Wararka Somaliya Galmudug Saraakiil Sar Sare oo Ku Mid noqday Dadka Ku Dhintay Weerarka Lagu...

Saraakiil Sar Sare oo Ku Mid noqday Dadka Ku Dhintay Weerarka Lagu Qaaday Degmada Galcad

0

Allaha unaxaristee waxaa Dagaalkii saaka
Ka dhacay Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ku geeriyooday Abaandulihii
Guutaa 16-aad ee Danab Hassan tuur.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa la sheegay iney daqiiqado yar kadib ay gaareen deegaanka, iyagoo gantaalo la dhacay kooxdii weerarka soo qaaday, arrintan ayaa yareysay culeys ciidamadda ay kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo dib ugu laabtay goobihii ay ka soo weerar tageen.

Kooxda Shabaab oo dhul balaaran looga qabsaday howlgalka Hirshabelle iyo Galmudug looga xoreynayo, ayaa dagaalkoodii kusoo koobay weeraro gaadma ah ay ku qaadaan saldhigyada ciidamadda, mana muuqato qorshe ay arrintaasi uga hortagayaan ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka.

Kooxda ayaa weerar gaadmo ah oo qaraxyo ku bilowday ka geysatay Jalalaqsi, Buula-barde, Maxaas, Xawaadleey iyo Galcad, dhamaan weeradraaasi ayaa xili iyo qaab isku mida u dhacay, waxaana lagu dilay askar iyo saraakiil badan.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan laga Qabsaday
Next articleAmaanka Magaalada Muqdisho oo Soo Hagaagaaya Kadib Howlgalo Culus oo Bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here