Home Wararka Somaliya Galmudug Al-shabab oo gaystay Weerer ay Ku Dileen Masuuliyiin Iyo Saraakiil Sar sare

Al-shabab oo gaystay Weerer ay Ku Dileen Masuuliyiin Iyo Saraakiil Sar sare

0

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in xalay dagaalyahano katirsan kooxdaasi weerar qorsheesan ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Taabto oo katirsan gobolka Jubadda Hoose ayna halkaasi ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah ayna la yaabeen dadka deegaanka Taabto lagu qaaday guri kuyaala deegaankaasi ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ku dileen guddoomiyihii deegaanka Taabto  Max’med Jiis,  madaxii Canshuuraha deegaanka Cumar Abuukar Abgaaloow iyo sargaal ciidan oo lagu magacaabo Daahir Dheere.

Guriga weerarka lagu qaaday laguna dilay sadexdan xubnood oo katirsanaa maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in uu ku yaalay meel aan ka fogeyn saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Taabto.

Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda dilka ka dhacay  Taabto, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ragii dilka ka dambeeyay si nabad galyo ah uga baxeen deegaanka Taabto ee katirsan Jubbada Hoose

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Kulan la Qaaday Midowga Musharaxiinta
Next articleMunaasabad Si wayn loosoo Agaasimay oo Madaxweyne Farmaajo ka qayb galaayo oo Haatan Moqdisha Ka Socota(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here