Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab oo Xoog kula wareegay mid ka mid ah Koontraaladii laga Ilaalin...

Alshabaab oo Xoog kula wareegay mid ka mid ah Koontraaladii laga Ilaalin jiray Magaalada Baydhabo

0

Ciidanka Dowladda Somalia ayaa isaga baxay deegaanka Goofgaduud Buurey oo ka tirsan Gobolka Bay, halkaasoo ay in muddo ah gacanta ku hayeen.

Wararka aanu ka helayno degaanka oo 30km u jira magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in degaanka ay la wareegeen Al-shabaab oo markii horeba sheeda ka ilaashanayey.

Lama oga ilaa hadda sababta keentay in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed in ay isaga baxaan deegaanka muhiimka ah ee Goofgaduud Buurey.

Ciidamadii ka baxay degaankaas ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana jira wararka aan la xaqiijin oo sheegaya in ciidanka ay sababo la xiriira daryeel xumo uga baxeen degaanka.

Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka K/Galbeed ayaan ka hadlin sababaha keenay in laga soo baxo degaanka goof guduud Buurey.

Ad
Previous articleGudoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo Maantay kulan La qaadatay Culumada Soomaaliyeed Xili Dhawaan Culumo badan bayaan kasoo Sareen(Sawiro)
Next articleSweden oo go’an Cusub kasoo saartay Iskuulada Waxbarashada ee Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here