Home Wararka Maanta Alshabaab oo Xoog ku Joojiyay laba Mashruuc oo Waawayn oo Dowladu Waday

Alshabaab oo Xoog ku Joojiyay laba Mashruuc oo Waawayn oo Dowladu Waday

0

Sida ay xaqiijinayaan Ilo wargal ah, Labo mashruuc oo muhiim u ahaa dibu-dhiska Kaabayasha Dhaqaale ayaa joogsaday Todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo kala ah.

1- Laamiga isku xiraya Jowhar & Muqdisho, kaas oo dhismihiisu gaaray meel dhexe.
2- Laamiga isku xiraya Afgooye & Muqdisho, kaas oo ilaa hadda shaqo laqabtay, balse laamigii weynaa harsanaa.

Labada mashruuc ayaa hadda u joogsaday sababo la xariira xagga Amniga, markii ay diideen in la dhiso kooxaha Argagixisada ah, dhawaan madaxda DFS ayaa lagala hadlay sugida amniga mashaariicdan, balse waxba lagama qaban.

Xogo aan helnay ayaa cadeynaya in ay kooxda Al Shabaab diiday in ay dhaqaale qaataan, xili ay jireen kooxo isku xilsaaray meelmarinta mashaariicda.

Xogtu, waxay cadeynaysaa in dawladda Federaalka ay maalmo kahor sheegtay in aysan awoodin ciidamo badan oo ay geyso dhammaan goobaha Mashruucan.

Madaxda DFS ayaa soo jeediyey in 80KM oo laami ah oo ahayd in dibudayactir lagu sameeyo, iskuna xiri lahayd Jowhar iyo Muqdisho, loo soo wareejiyo Laamiyada caasumada oo gudaheeda lagu dhiso.

Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashiga oo Goor dhaw ka furmay Muqdisho (Sawiro)
Next articleShirka Golaha Wadaashiga Qaran oo Maantay lasoo gabgabaynaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here