Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo weerar Qaraxyo Ku bilowday ku Qaaday Degaanka Ruunirgood

Alshabaab oo weerar Qaraxyo Ku bilowday ku Qaaday Degaanka Ruunirgood

0

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha.

Dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya ayaa ka socda deegaanka Ruun-nirgood , waxaana Al Shabaab lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xeradii ciidanka dowladda joogeen.

Xerada la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Gor Gor iyo kuwa deegaanka, waxa weerarka ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo ka ruqaan-saday deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gurmad u aaday degmada Ruun-nirgood ee dagaalku ka socdo.

Waxii warar ah ee kusoo kordho kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Ad
Previous articleWadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok
Next articleDanab oo War kasoo saartay Saraakiil ugu Dhimatay Dagaalka laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here