Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Ciidamada Darawiishta Galmudug oo Maantay Deegaano Cusub kaka...

War Deg Deg ah: Ciidamada Darawiishta Galmudug oo Maantay Deegaano Cusub kaka Wareegay Alshabaab

0

Ciidamo deegaanka ah oo ka baxay degmada Cadaado iyo dhammaan deegaannada hoostaga ayaa Goordhow gacanta ku dhigay deegaanka Xinlabi oo Alshabaab  fariisin wayn u ahayd.

Kooxda  Alshabaab ee ku sugan deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo mudug ka wadatirsan ayaa wajahaya Cabsi xoogan ka dib markii ciidamada Huwanta ah ee ka soo baxay magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ay ku dhawaadeen.

Xog dahsoon oo aan helnay ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay ka baxeen deegaanada Qaarkood.

Ciidamada huwanta ah ayaa maanta Gaaray Deegaano horleh oo kaabiga ku haya Bacaadweyne iyo Camara kuwaas oo kala ah Xinlabi iyo Dhaghaye oo Bacaadweyne duleedka ka ah

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor ayaa ku wajahan Degmada Wasil Ee Gobalka Mudug, waxaana la sheegayaa inuu halkaasi dagi doono

Wasil waxaa ku sugan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Mudo Dheer Halkaas Abaabul Xoogan Kawaday.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Maalmo ka hor laga Qabsaday
Next articleAlshabaab oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Dagaalkii ay ku jabeen ee Owdhiigle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here