Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo weerar Culus ku Qaaday Magaalo U dhow Baladweyne

Alshabaab oo weerar Culus ku Qaaday Magaalo U dhow Baladweyne

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Udhaxeeyo Ciidamada Dowlada oo Kaashanayo Dadka Deegaanka iyo Al-shabaab oo ka dhacay Deegaanka baardhaare oo Dhinaca Koofur ka xigo Magaalada Baladweyne.

Sida wararku sheegayaan, dagaalkan ayaa yimid Kadib Markii Al-shabaab kasoo gudbay Wabiga ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ku lahaayeen Deegaankaasi, waxaana goobta ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday

Saraakisha Ciidamada ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay iska difaaceeyn Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigooda, iyagoo ka gaabsaday iney xog ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mudo saacad kudhow socday.

Gurmad Ciidan ayaa ka baxay magaalada Baladweyne kuwaas oo ku Wajahan Deegaanka Baardheere, iyagoo doonaya iney xoojiyaan ciidanka halkaasi jooga oo sidan oo kale hore loosoo weeraray.

Si kastaba, weerarkan ayaa imanaya xili gobolka Hiiraan uu ka socdo abaabulka wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab oo lagu xoreynayo galbeedka Beledweyn oo Shabaab ay ku xoogan yihiin.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Kaabiga Ku Haaya Degmo ka Tirsan Galmudug oo Alshabaab Haystaan lana Wareegay Tuulooyin Hoostaga
Next articleJoe Biden oo ka hadlay Ficilada uu Sameenayo Madaxweynaha Ruushka iyo Khatarta jirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here