Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaan Dhawaan laga Saaray iyo Dagaal...

Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaan Dhawaan laga Saaray iyo Dagaal Culus oo Haatan Socda

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo deegaanka Nuur Dugle oo ka tirsan gobolkaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday deegaankaasi, kuwaas oo beegsaday saldhigyada ciidamada huwanta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay kacsan tahay, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay kooxda Al-Shababaab, waxaana maalmo kahor deegaankan booqasho ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Ad
Previous articleHoggaamiyihii Kooxda DAACISH Oo Lagu Dilay Dalka Syria.
Next articleIGAD oo Shaacisay Mowqifkeeda ku aadan in Soomaaliya laga Qaado Cunuqabataynta Hubka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here