Home Wararka Maanta Alshabaab oo si ba,an loogu Duqeeyey Deegaanka Masaajidka Cali Gaduud iyo khasaaro...

Alshabaab oo si ba,an loogu Duqeeyey Deegaanka Masaajidka Cali Gaduud iyo khasaaro Xoogan oosoo gaaray

0

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wali isku dayaya in ay la wareegaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo maalmihi lasoo dhaafay dagaalo culus ka socdeen.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa habeenkii saddexaad duqeymo culus ku garaacaya fariisamaha Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo duleedka ka ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku sugan meel 7-KM u jirta deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay gudaha u galaan deegaanka oo ku adkaatay in si fudud ku qabsadaan.

Afhayeenka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud wali ku socdaan duqeymo culus, waxa uuna tilmaamay in kooxdaasi dagaalka khasaaro badan lagu gaarsiiyay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in saacadaha soo aadan ciidamnada gudaha u galayaan deegaanka ,waxa uuna tilmaamay in ciidamada wali u turayaan dadka shacabka ee deegaanka ku sugan ayna diidan yihiin Al Shabaab in magaalada isaga baxaan.

Ad
Previous articleAabbihiis wuxuu ku dhashay Kenya, hooyadiisna Tanzania, isagana wuxuu kabalyeeri ka ahaa maqaayad ku taalla Southampton
Next articleGanacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geestay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here