Home Wararka Somaliya alshabaab oo Saakay goor Hore kenya Weeraray Baabuur Badana Gubay

alshabaab oo Saakay goor Hore kenya Weeraray Baabuur Badana Gubay

0

Ugu yaraan 8 gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku gubtay kadib markii rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob baabuurta la dhigto oo ay leedahay Shirkadda Dhismaha ee Shiinaha wadada Baragoni – Bodhei ee gobolka Lamu dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in kooxdan ay rasaas ku fureen goobta aroortii hore ee saaka kadibna dab qabadsiiyeen gawaarida xamuulka qaada.

Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ka mid ah kuwa dhisaya wadada isku xirta Lamu Port-Koonfurta Sudan-Itoobiya.

Barnaamijka Waddada LAPSSET waa mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha ugu weyn uguna hamiga badan ee isku keena Kenya, Ethiopia iyo South Sudan

Kooxda burcada ah ee weerarka ka dambeeyay ayaa baxsaday wax yar kadib markii la sheegay in falkaasi dhacay.

Ad
Previous articleQalbidhagax oo ka hadaly Go,aankii Shalay Golaha Wasiirada Soomaaaliya ee Raaligalinta lagu siiyay
Next articleNin ku Dhuuntay Lugta Diyaarada Isaga Safartay Africa iyo Europe oo asagoo nool kasoo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here