Home Wararka Somaliya Jubbaland Alshabaab oo Maantay Xoog looga Saaray Deegaanka Janaay Cabdalla

Alshabaab oo Maantay Xoog looga Saaray Deegaanka Janaay Cabdalla

0

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland oo is garabsanaya ayaa goordhaw Al Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa fuliyay howlgal dhoor jiho kaga weerareen Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada milatariga iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa wada howlgalo ay ammaanka deegaankaasi ku xaqiijinayaan, waxa ayna ciidamada saldhigyo ka dhigtoo goobo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Deegaanka Janaay Cabadlle ayaa sidaan oo kale waxaa horey dhoor mar ugu tagay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, hasa ahaatee ciidanka ayaa dib uga soo laabanayay deegaannadaasi .

Howlgalkan ciidanka kula wareegeen ayaan la ogeyn in horudhac u yahay howlgalka la doonayo in uu ka bilowdo deegaannada maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolada Jubbooyinka oo Al Shabaab awood badan ku leeyihiin.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Shir ku Qabtay Magaalada Xarardheere oo Wali uu ku Suganyahay
Next articleNISA oo maantay Diiday Xildhibaano ku Wajahna Gobalka Gedo inay ka Dhofaan Garoonka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here