Home Wararka Maanta Alshabaab oo Laga Saaray Deegaan Muhiim ah oo Ku Yaala Galmudug iyo...

Alshabaab oo Laga Saaray Deegaan Muhiim ah oo Ku Yaala Galmudug iyo Howlgal Ka Bilowday Galmudug

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.

Howlgalka koowaad ayaa waxa uu tilmaamay inuu ka dhacay magaalada Bud-Bud, islamarkaana laga saaray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee muddada ku sugnaa halkaasi.

“Ciidanka deegaanka ee ka howlgala bariga gobolka Galgaduud ayaa howlgal qorsheysa waxa ay ka fuliyeen meesha la yiraahdo Bud Bud iyo Bood waxay qabsadeen gacan ku heynta magaalada oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada marka ay qabteen magaalada ay isugu yeereen dadka deegaanka, islamarkaana ay kula hadleen goob fagaare ah, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, maadaama laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Waxay isugu yeereen dadkii shacabka ahaa waxayna u sheegeen in kooxda maafiyada Khawaarijta in aysan tabar badneyn is dajiyaan ciidankana ay la shaqeeyaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in howl-gal kale oo ay qaadeen ciidamada deegaanka uu isna ka dhacay degmada Ceelbuur, kaas oo isna lagu beegsaday goob ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac loo gaystay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMid ka mid ahaa Ragii la doon Doonay ee Daacish oo Gacanta Puntland Soo Galay
Next articleTrump oo Hakiyay Amar uu Soo Saaray Doorashadiisii Kadib