Home Wararka Maanta Alshabaab oo Gudaha Suuqa Bakaaraha Ku Weeraray Ciidamo Dharcad ah oo halkaas...

Alshabaab oo Gudaha Suuqa Bakaaraha Ku Weeraray Ciidamo Dharcad ah oo halkaas ku sugna iyo Khasaaro ka Dhashay

0

Wararka aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

Sida aan wararka ku helnay rag katirsan Al Shabaab ayaa bambaano ku tuuray goob ay ku sugnaayeen askar katirsan ciidanka nabadsugida gaar ahaan kuwa dharcadka ah, waxaana bamnbada kaddib la sheegay in raga hubeesan rasaas huwiyeen goobtii ciidanka joogeen.

Iska hor imaad kooban oo dhax maray kooxda hubeesan iyo ciidamada nabadsugida ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana mar qura lagu kala cararay goobtii weerarka ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka nabadsigida ayaa goobta ku dhintay halka saddex askari oo kalana dhaawacyo soo gaareen, kuwaa oo loo qaaday xarumo caafimaad oo kuyaalla Muqdisho.

Ciidamo katirsan nabadsugida oo gaaray Suuqa Bakaaraha ayaa halkaasi ka wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka geesatay, waxa ay sidoo kale ciidamada baarayaan dadka ay ka shakiyaan.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Magacaaabay Gudoomiyeyaal Degmo oo Xasan Shiikh usoo Ololeeyey
Next articleFIFA oo sheegtay in Reer Galbeedka Hagaajiyaan Xaquuq Muhaajiriinta Halkii ay Qatar ka dhaliili lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here