Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Gubay Gaadiid Xamuul ah Dadna Shacab ahna ku Laayay Hiiraan

Alshabaab oo Gubay Gaadiid Xamuul ah Dadna Shacab ahna ku Laayay Hiiraan

0

Dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay iney dhexda u gashay gawaari raashin u siday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo gubay gawaaridaasi, waxeyna sidoo kale dhaawacyo u geysteen qaar kamida dadkii la socday.

Sida wararku sheegayaan, Gawaaridan waxaa lagu qabtay degmada Maxaas, iyadoo waayaasha gawaarida iyo dad yar oo la socday lagu amray iney cagahoodaa maalaan, iyadoo dadka dhaawacyada la gaarsiiyay ay u badan yihiin wadayaasha gawaarida.

Dadka deegaaka qaarkood oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo amni darteed ayaa ku waramay iney horjoogyaasha kooxdaasi ay iska diideen in wadahadal laga gao in gawaari iyagoo nabad qaba ay raashinka geeyaan magaalada Beledweyn.

Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada gaadmada ah ee ay ka fulinayaan qaybo ka mid ah deegaannada hoostaga maamullada HirShabelle iyo Galmudug, kadib markii ay kordheen howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ee Macwiisleyda loo yaqaano.

Kooxda ayaa saacadihii u dambeeyey howlgallo qorsheysan ka fuliyey gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna burburisau ceelal, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo xarumaha isgaarsiinta ee ay ku xiriiri jireen dadka ku sugan deegaannada la weeraray.

 

 

Ad
Previous articleMareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka careysiisay Shiinaha
Next articleBeelo Dhawaan Dagaal Qaraar Ku dhexmaray Galmudug oo Heshiis Gaaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here