Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Dad Xoolo Dhaqata ah Kulaayay Degaano Ka Tirsan Galmudug

Alshabaab oo Dad Xoolo Dhaqata ah Kulaayay Degaano Ka Tirsan Galmudug

0

Lix qof oo xoola dhaqato ah ayee Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab waxa ay
Ku dileen deegaan lagu magacaabo qalaanqale
Kaas Oo dhanka kofur bari uga beegan Degmad
Baxdo ee gobolka galgaduud

Al-shabaab ayaa sidoo kale 7-qof Oo Shacab
Ah waxa ay ka af-duubteen Deegaanka
Maarsamage Oo ay saakay Burburiyeen Matoorka
Ceelbiyooda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ee
Deegaankaasi sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan
Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud

Sababta ka dambeesa dilka Allaha unaxariistee
Lix qof Oo xoola dhaqato ahaa iyo Af-duubka
Todobo kale lama xaqiijin

Kooxda Argagixisada Al-shabaab ayaa saaka Sadex deegaan Oo Kala ah Maarsamage Caliweed iyo CadakibirWaxa ay ku qaaden Qaraxyo ay ku Bur-buriyeen Isgaarsiinta Shirkadaha iyo matoorada biyaha Laga cabo ee Deegaanadaasi.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wali ka hadlin dhibaatooyinka Shacabkaan ay ku hayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka soo cusboonaaday bariga iyo Koonfur Degmada Baxdo.

Ad
Previous articleWasiirada Dowlad Gobaleedyada dalka oo soo saaray Warsaxaafadeed
Next articleMaraykanka oo Ka Xumaaday in Alshabaab Markale Ceelcade Qabsadaan Warna Kasoo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here