Home Wararka Maanta Alshabaab oo Bilaabay inay isisoo Dhiibaan Kadib Dagaaladii Qararaa ee Dhawaan lagu...

Alshabaab oo Bilaabay inay isisoo Dhiibaan Kadib Dagaaladii Qararaa ee Dhawaan lagu qaaday

0

Qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana howlgalada inta ay socdeen Al Shabaab gacantooda laga saaray deegaano aad u badan oo horey u maamuli jireen.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay markii howlgalada bilaabeen in dhallinyaradii Al Shabaab horey u qaldeen u adkeesan waayeen rasaasta ayna bilaabeen in ay ciidamada isku soo dhiibaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhallinyaro katirsanaa Al Shabaab ay soo aadeen xarumaha ciidamada qalabka sida si ay isku soo dhiibaan, waxa uuna xusay in ay jiraan kuwa kale oo iyana doonaya in ay kooxdaasi kasoo baxaan.

”Wiilashii Soomaaliyeed ee ay Al Shabaab qaldeen, kuleelka xabadda markey u adkeysan waayeen firxadkooda dhammaan xaruumaha Ciidamada Qalabka Sida ayey soo wada aadeen, si ay isku soo dhiibaan, duruufaha iyo dhibta ay ka sheekeynaayaanna waa aragtaan. Inta ku harteyna waxaan kala helno ayey leeyihiin” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli xubno katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen ciidanka dowladda, ragaasi isa soo dhiibay ayaana ka sheekeeyay dhibaatooyin badan oo ay la kulmeen iyo sababihii ku kalifay in ay soo goostaan.

Ad
Previous articleWaa Maxay heshiiska Qarsoodiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madobe gaareen(Xog)
Next articleCiidamada Dowlada oo deegaano horleh kala wareegay kooxda Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here