Home Wararka Maanta Alshabaab oo Arin Layaab leh oo aan Horay lo Arag Ka Sameeyey...

Alshabaab oo Arin Layaab leh oo aan Horay lo Arag Ka Sameeyey Deegaan ku Maxaas

0

Kooxda  Al-Shabaab ayaa deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas.

Kooxda Arxanka daran ee Khawaarijta ayaa in ka badan 300 Neef oo Ari ah ku xasuuqday deegaankaan, taas oo ay aad ula yaabeen dadka xoolahaas iska lahaa, waxaana sababta ay sidaas u sameysay lagu sheegay isku day weerar ay qorsheysay oo laga war helay.

Qof deegaanka ah oo aan la hadalnay ayaan ka soo xiganeynaa “Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin.”

Sida ay Ogaatay Warbaahinta Gudaha, kooxda ayaa qorsheyneysay in ay weerarto Ciidanka deegaanka oo ku sugnaa deegaanada u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo, waxaase ilaahay fashiliyay isku daygoodii, waana laga war helay, taas ayaa u cuntami weysay ka dibna waxaa ay si ku tala gal ah u laysay xoolihii shacabka.

Ad
Previous articleInjineero Lagu Dilay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Waqooyi Bari Kenya
Next articleCiidmada PSF Puntland oo Si wayn loogu soo Dhaweeyey Degmada Xeebeedka Hobyo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here