Home Wararka Maanta Injineero Lagu Dilay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Waqooyi Bari Kenya

Injineero Lagu Dilay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Waqooyi Bari Kenya

0

Weerarkan oo qarax wadada la dhigay ahaa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Injineero ku howlanaa kormeerka wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, wadadan ayaa marta magaalooyin ay kamid tahay Gaarisa.

Sida ay qoreyso warbaahinta gudaha ee dalkaasi Kenya, Afar qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, dadka dhintay saddex kamida waa Injineerada ku howlanaa dhismaha wadada, halka dhowr qof oo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Taliyaha booliska Waqooyi Bari George Seda ayaa tagay halka weerarka uu ka dhacay, isagoo sheegay iney baxsadeen dableyda weerarkan fliisay, balse ay ku daba jiraan laamaha amaanka.

Waxa uu sheegay ineysan wax saameyn ah ku yeelaneynin weerarada noocan oo kale ah, bishii December ayaa weerar kan lamida lagu dilay laba sarkaal, iyadoo weerarka uu ka dhacay isla deegaankan.

Ad
Previous articleYusuf Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida la moodo
Next articleAlshabaab oo Arin Layaab leh oo aan Horay lo Arag Ka Sameeyey Deegaan ku Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here