Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Al Shabaab oo Shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Cuslaa ee ay Ku...

Al Shabaab oo Shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Cuslaa ee ay Ku Qaadeen Hiiraan

0

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaalla gobolada Hiiraan iyo Jubadda Hoose, waxaana weeraraasi ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Weerarada Al Shabaab oo ku bilowday qaraxyo ayaa ka kala dhacay deegaanka Baardheere ee kuyaalla duleedka magaalada Baledweyne iyo deegaanka Sanguuni oo iskn kuyaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Al Shabaab ayaana dagaal culus kala kulmay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa saldhigyada ay weerareen, waxaana Al Shabaab markii dambe dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaan tageen.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Baardheere ay ku dileen 15-askari , halka weerraka kale ee Baar-sanguuni sheegeen in ay ku dileen 17-askari.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado xeryaha ciidan xilliga aroortii ah, waxa ayna Al Shabaab weeraradaasi ku bilaabaan qaraxyo culus, taa oo keenta in ciidamada dowladda uu khasaaro badan kasoo gaaro weerarada gaadmada ah.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo la hadlay Odayaasha Koonfurta Somalia
Next articleMu,adin Masaajid ku Yaala Muqdisho oo Dil argagax leh ugaystay Imaamkii Masaajidka iyo Ruux kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here