Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Al-Shabaab oo mar kale weerar ku qaaday xero ay leeyihiin ciidanka ATMIS

Al-Shabaab oo mar kale weerar ku qaaday xero ay leeyihiin ciidanka ATMIS

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in mar kale ay Al-Shabaab xalay fiidkii hore weerar culus ku qaadeen xero ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley.

Weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay kooxda Al-Shabaab u adeegsatay madaafiic ay ku garaacday saldhig ciidamada Uganda ku leeyihiin koonfura Qoryooley.

Sidoo kale waxaa xigay weerarka Al-Shabaab madaafiic kale oo ay dhankooda ku jawaabeen ciidamada ku sugnaa saldhigga ay weerareen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale weerar labaad oo rogaal celis ayaa la sheegay inay Al-Shabaab isla saq dhexe ee kusoo qaadeen xerada ATMIS, kaas oo isna ahaa hoobiyeyaal ay soo tuureen, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan gudaha degmadaasi.

Shacabka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahay cabsi xoogan, maadaama daryanka hubka culus ee ay si weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlayay meelo fog fog.

Lama oga haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah, mana cadda sidoo kale haddii uu khasaare kala gaaray dhinacyada madaafiicda isku waydaarsaday Qoryooley.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maanta ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda ay isku fidiyeen agagaarka magaaladaasi, oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgal lagu baadi goobayo xubnaha weerarka soo qaaday.

Ad
Previous articleWadahadalladii dowladda iyo mucaaradka Kenya oo lagu kala tagay
Next articleWAR DEG DEG AH: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah ka Yeeshay Heshiiskii Golaha wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here