Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo gaari iyo shaqaale kasoo afduubatay Gudaha Dalka Kenya

Al-Shabaab oo gaari iyo shaqaale kasoo afduubatay Gudaha Dalka Kenya

0

Rag loo maleynayo inay ka tirsan yiihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ka fuliyeen gobolka waqooyi bari, Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan aya awaxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari nooca ambalaasta ah oo ay la socdeen shaqaale caafimaad, sida uu sheegay Booliska.

Booliska ayaa intaa ku daray in raggaas loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab inay weerar gaadmo ah ku qaadeen ambalaasta oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari Kenya xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka.

Sidoo kale taliska saldhiga Lafey ee Mandhera ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baaburka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada Kenya ay howlgallo lagu baadi goobayo kooxda weerarla geystay ay ka bilaabeen halkaasi, si loo soo bad-baadiyo shaqaalaha.

Ad
Previous articleKuuriyada Waqooyi iyo Tan Koonfureed oo markii ugu horreysay Gantaallo isu adeegsaday
Next articleGolaha Amaanka Oo Shaaciyay Talaabada Laga Qaadayo Dadkii Ka Danbeeyay Qaraxyadii Zoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here